Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya 

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Meeratada 38-aad ee Shir-madaxeedka Midowga Afrika ayaa kulan-doceed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay xasilloonida Gobolka iyo mideynta dadaallada lagu cirib-tirayo argagixisada, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta iskaashiga heer gobol ee ku aaddan nabadda, daris-wanaagga iyo adkaynta xasilloonida.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Labada dal, iyadoo la dhiirri-gelinayo iskaashiga horumarineed ee ku salaysan daris-wanaagga iyo is-ixtiraamka, si waafaqsan danaha wadajirka ah ee labada dal, madaxbannaanida iyo midnimada dal kasta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo jab xooggan u geestat Khawaarijta 

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa si...

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo jab xooggan u geestat Khawaarijta 

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa si...

Shirweynaha wacyigelinta Doorashooyinka oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho 

Wasiiro katirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir...