Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb-galay Madasha Wasiirrada Caafimaadka Afrika 

Date:

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Adam, ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka EThiopia kaga qayb galay Madasha Sanadlaha ee Wasiirada Caafimaadka Afrika, oo qayb ka ah Shir Madaxeedka Afrika, Wasiirku wuxuu ka mid yahay in ka badan 30 wasiir caafimaad oo ka qayb galaya barnaamijkan.

Madashan oo ah mid sanadle ah waxay u oggolaanaysaa Wasiirada Caafimaadka dalalka Afrika inay isugu yimaadaan si ay diiradda u saaraan horumarinta Caafimaadka qaaradda, sanadkan xoogga waxaa la saaray adkaynta nidaamka caafimaadka iyadoo laga faa’ideysanayo balanqaadyada siyaasadeed, Wasiirka ayaa muujiyay muhiimada ay hoggaaminta Caafimaadka u leedahay bulshada Afrika.

Intii lagu guda jiray kulanka, wasiirka ayaa Kulamo doceed la qaatay qaar ka mid ah Wasiirada Caafimaadka Afrika ee ka qayb galay madasha iyo madaxda Hay’adda Africa CDC, oo kulankan sanadlaha ah qabanaya.

Caafimaadka Soomaaliya ayaa si macno leh uga muuqda madalaha Caafimaad ee caalamka, iyadoo wasiirku xoogga saaray horumarinta ajandayaasha caafimaadka ee Soomaaliya, iyadoo la kaashanayo saaxiibada caafimaadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u...

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...