Soomaaliya iyo muritaaniya oo iska kaashanaya ka hortagga musiiboyinkaย 

Date:

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane.Maxamuud Macallin Cabdulle, oo hoggaaminaya wafdiga Dowladda Soomaaliya ee ka qeyb-galaya Madasha 6-aad ee Dalalka Carabta ee Yaraynta Khataraha Masiibooyinka ee ka socda dalka Kuwait, ayaa kulan wax-ku-ool ah la qaatay wafdiga matalaya dowladda Muritaaniya oo ay hoggaaminayso Wasiirka Deegaanka iyo Horumarka Waara, Mrs. Messouda Mint Baham.

Kulankan labada wafdi ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee la xiriira khibrad-wadaagga iyo horumarinta hababka digniinta ee ka hortagga musiibooyinka, halka Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA uu xusay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato kobcinta awoodaha farsamo ee ku aaddan hirgalinta xarunta digniinta hore ee ay qorshaynayso Wasaaradda Deegaanka ee Muritaaniya.

Wafdiga Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale muujiyay sida ay uga goโ€™an tahay in iskaashi dhow iyo wada-shaqeyn lala yeesho dalalka gobolka si loo xoojiyo dadaallada yareynta khataraha musiibooyinka iyo ka hortagga saameyntooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay

Mas'uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay...