Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay wiil 13jir ah oo la dhibaataysan DAB uu ku gudbtay

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiisa ku qaabilay dhibane Cabdisalaam Axmed Xasan oo ah wiil 13-jir oo mudo Hal-sano ah la xanuunsanayo dhibaato kasoo gaartay DAB uu ku gubtay oo saameeyay qeybo ka mid ah jirkiisa.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir ayaa warbixin ka dhageystay Aabe Axmed Xasan Cumar oo ah Aabaha dhalay dhibane Cabdisalaam, isaga oo sheegay in xaalada caafimaad ee wiilkiisa aan wadanka gudihiisa waxba looga qaban karin, islamarkaana aysan awoodin in ay caafimaad dibada ah la raadiyaan maadaama uu sheegay in ay yihiin qoys dan’yar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa balan qaaday in uu garab istaagi doono sidii wax looga qaban lahaa xaalada Cabdisalaam, isaga oo eebe ugu baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka XDS oo howlgallo ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka...

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo u furtay Aqoon-isweydaarsi masuuliyiin ka tirsan DFS

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Drs. Hodan Cusmaan Cabdi...

Ciidamada Gorgor oo howlgal ka fuliyay deegaanno ka tisan Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 19-aad ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii...