Raโ€™iisul Wasaare kuxigeenka XFS oo ka qaybgalay Bandhigga Suuq-weynaha Muqdisho

Date:

Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qayb galay bandhigga Suuq-weynaha Muqdisho, oo ay isugu yimaadeen hormuudka ganacsatada Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ku boorriyay ganacsatada Soomaaliyeed in ay xoojiyaan dadaalkooda ganacsi, horumariyaan hal-abuurka cusub, una istaagaan sidii kor loogu qaaddi lahaa kobaca dhaqaale ee dalka.

Sidoo kale, Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa sharraxay muhiimadda Qorshaha Isbedelka Qaranka (NTP) iyo doorka uu siinayo qeybaha ganacsiyada gaarka loo leeyahay, si ay hormuud ugu noqdaan horumarka iyo dib-u-dhiska dalka. Waxa uuna xusay in iskaashiga dowladda iyo ganacsatada ay fure u tahay kobcinta dhaqaalaha, abuurista fursado shaqo, iyo dhiirrigelinta maalgashiga gudaha iyo dibadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka goโ€™an xoojinta xiriirka ay la leedahay ganacsatada, si loo abuuro jawi ganacsi, xasilloon oo dalka u abuuraya fursado dhaqaale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...