Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo Difaaca ah

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo warshadaha ah. Heshiiska waxaa magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan ku saxiixay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo dhiggiisa Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Zakir Hasanov.

Saxiixa heshiiskaan, oo muhiimad weyn u leh labada dal, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Ilham Aliyev. Heshiiska ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta iskaashiga dhanka difaaca iyo warshadaha, iyadoo labada dowladood ay isku afgarteen inay wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa awoodooda difaaca iyo sidoo kale warshadaha muhiimka ah ee dalka.

Heshiiskan ayaa ka tarjumaya xiriirka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Azerbaijan, waxaana lagu tilmaamay mid muujinaya go’aanada siyaasadeed ee labada madaxweyne ee ku wajahan horumarinta xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasaaradda gaashaandhigga oo qalab kala wareegtay xafiiksa UNOPS

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...