Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo Difaaca ah

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo warshadaha ah. Heshiiska waxaa magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan ku saxiixay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo dhiggiisa Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Zakir Hasanov.

Saxiixa heshiiskaan, oo muhiimad weyn u leh labada dal, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Ilham Aliyev. Heshiiska ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta iskaashiga dhanka difaaca iyo warshadaha, iyadoo labada dowladood ay isku afgarteen inay wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa awoodooda difaaca iyo sidoo kale warshadaha muhiimka ah ee dalka.

Heshiiskan ayaa ka tarjumaya xiriirka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Azerbaijan, waxaana lagu tilmaamay mid muujinaya go’aanada siyaasadeed ee labada madaxweyne ee ku wajahan horumarinta xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...