Ciidanka Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan Xarardheere

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, Qeybta 21-aad, iyo ciidamadda deegaanka, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug, gaar ahaan Tuulo Xaaji iyo Tuulo Cadad.

Howlgalka, oo socday muddo saddex maalmood ah, ayaa lagu ciribtiray maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo xogtooda la helay, xilli ay maleegayeen falal argagixiso. Ciidamadda ayaa si taxaddar leh uga hortagay kooxaha nabad-diidka ah, iyagoo beegsaday goobo ay isku uruursanayeen.

Wararka ka imanaya magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ay xaqiijiyeen in cadowga lagu gaarsiiyay jab xooggan, isla markaana la burburiyay saldhigyo ay ku dhuumaaleysanayeen. Intii uu howlgalka socday, Khawaarijta waxaa laga dilay tiro maleeshiyaad ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...