Ciidanka Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan Xarardheere

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, Qeybta 21-aad, iyo ciidamadda deegaanka, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug, gaar ahaan Tuulo Xaaji iyo Tuulo Cadad.

Howlgalka, oo socday muddo saddex maalmood ah, ayaa lagu ciribtiray maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo xogtooda la helay, xilli ay maleegayeen falal argagixiso. Ciidamadda ayaa si taxaddar leh uga hortagay kooxaha nabad-diidka ah, iyagoo beegsaday goobo ay isku uruursanayeen.

Wararka ka imanaya magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ay xaqiijiyeen in cadowga lagu gaarsiiyay jab xooggan, isla markaana la burburiyay saldhigyo ay ku dhuumaaleysanayeen. Intii uu howlgalka socday, Khawaarijta waxaa laga dilay tiro maleeshiyaad ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...