Xafiiska hantidhowrka guud oo si rasmi ah ugu biiray shabakadda Carabta ee hufnaanta iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa

Date:

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa si rasmi ah ugu biiray Shabakadda Carabta ee Hufnaanta iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa (ACINET), taas oo qayb ka ah dedaallada lagu xoojinayo iskaashiga gobolka, isla-xisaabtanka iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa.

Ku biirista ACINET ayaa fursad u siinaysa Xafiiska Hantidhowrka inuu ka faa’iidaysto khibradaha iyo barnaamijyada iskaashi ee dalalka gobolka, si loo horumariyo dedaallada lagula dagaallamayo musuqmaasuqa, laguna xoojinayo isla xisaabtanka iyo dowlad wanaagga.

ACINET waxay hormuud ka tahay kor-u-qaadista daahfurnaanta iyo hufnaanta, waxaana xubin ka ah hay’ado dhowr ah oo ka kala socda dalalka Carabta iyo Bariga Afrika.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa sii wadi doonaa dadaalladiisa ku aaddan xoojinta isla-xisaabtanka, isagoo ka faa’iidaysanaya madallada caalamiga ah ee gacan ka geysan kara horumarinta awooddiisa iyo saameyntiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

By H.E. Bihi Iman Egeh, Minister of Finance, Federal...

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay hormarinta xariirka diblomaasiyadeed ee labada Dal.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiirrada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...