Madaxweyne Laftagareen oo saxiixay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Gargaarka Bani’aadanimada

Date:

Madaxweynaha Dowlada goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdıcasııs Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Saxiixay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Gargaarka Bani’aadanimada oo ay diyaarisay Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Koonfur Galbeed.

Hindise Sharciyeedkan ayaa ah Xoojinta Iskaashi ku Salaysan Ilaalinta Gargaarka iyo Isla Xisaabtan Qaabka Cusub ee Maaraynta Gargaarka iyo Gaarsiinta Gargaarka Dadkii loogu talagalay.

Munaasabadda Saxiixa Hindise Sharciyeedka waxaa Madaxweynaha ku wehlinayey Wasiiro ka tirsan Xukuumada Koonfur Galbeed oo uu kamid yahay Wasiirka Gargaarka, mas’uuliyiin sare oo ka kala socday Qaramada Midoobay, Hay’addaha Caalamiga ah, iyo kuwa maxalliga ah. oo uu kamid yahay ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...