Guddoomiyaha SoDMA oo la kulamay madax ka socotay Dowladdaha Kuwait Emaraatka iyo Mauritania

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo hoggaaminaya waftiga dowladda Soomaaliya ee dalka Kuwait kaga qeyb-galaya meertada 6-aad ee shirka Arab Regional Platform for DRR oo looga hadlayo yareynta khataraha musiibooyinka ayaa kulan hor-u-dhac u ah furitaanka shirka la yeeshay madax iyo wufuud ka kala socota Dowladdaha Kuwait, Emaraatka, Mauritania, madaxa Hay’adda UNDRR iyo madaxa Hay’adda WMO.

Kulankaan hor-u-dhaca u ah shirka madal-goboleedka Lixaad ee Carabta ee yaraynta khatarta musiibooyinka oo labadii sanaba mar qabsooba ayaa diiradda lagu saaray bixinta digniinaha halis wadareedka iyo maalgalinta kaabayaasha u adkaysta, iyadoo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA uu madasha la wadaagay waxqabadka Hay’adda ee la xariira EW4ALL iyo xaaladda bani’aadannimo ee dalka.

Shirkaan waxaa soo qaban-qaabiyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee yareynta khataraha musiibooyinka (UNDRR) iyo Jaamacadda Carabta wuxuuna berri si rasmi ah uga furmi doonaa caasimadda dalka Kuwait, halka la soo gaba-gabayn doono 12-ka bishaan February, markaas oo la soo saari doono kharaar wax ku ool ah oo ku wajahan yareynta khataraha iyo dhisidda adkaysiga bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed

Addis AbabA- Intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareyneysaa Weerarradii lala Beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

War-saxaafadeed.Muqdisho, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa...

Ciidanka Xoogga Dalka goor oo dib ula wareegay deegaanka Sumadaale

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow howlgal qorsheysan dib...