Shir Maaliyadeed oo u dhexeeya DFS iyo IMF oo lagu soo gabagabeeyay Riyadh

Date:

waxaa maanta Magaalada Riyadh ee Boqortooyada Saudi Arabia lagu soo gabagabeeyay shir muhiim ah oo u dhexeeyay Hey’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, shirkaas oo diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo maalgalin lahaa mashaariicda wax ku oolka ah oo ay ugu muhiimsan yihiin ilaha wax soosaarka dalka.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo hoggaaminaya xubnaha kala duwan ee shirkaan ka qeyb galaya oo ka kooban Xafiisyada Madaxeynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha kala ah Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Batroolka, Bangiga Dhexe, Hey’adda Warbixinada Maaliyadda, Hay’adda Istaatistikada Qaranka iyo Xafiiiska Xisaabiyaha Guud.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo xiritaanka shirka ka hadlayay ayaa tilmaamay sida ay Dowladda Soomaaliya muhiimad gaar ah u siinayso in la helo maalgalin ku saabsan ka faa’iideysiga kheyraadka Dalka, sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa xaqiijiyay qorshaha Dowladda ee ku aadan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo casriyeynta hannaanka dakhli uruurtinta si sare loogu qaado dakhliga gudaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...