Guddoomiyaha SoDMA oo kulen la yeeshay ku-simaha Madaxa UN Women

Date:

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Soomaaliyeed -SoDMA mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA kula kulmay Pia Weurlander, Ku-simaha Madaxa xafiiska haweenka Qaramada Midoobay (UN Women), si loo xoojiyo xiriirka adag ee u dhexeeya labada hay’adood ee ka shaqeeya wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah ee maareynta musiibooyinka ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista ka-qaybgalka haweenka ee dadaallada yaraynta khataraha musiibooyinka (DRR), hubinta in codadka haweenka lagu daro geeddi-socodyada go’aan-qaadashada iyo abuurista goobo ammaan ah oo loogu talagalay haweenka ku nool bulshooyinka ay musiibooyinku saameeyeen, iyadoo ay soo fool leeyihiin abaarihii ka dhashay La Niña, haweenku waa kuwa ugu nugul, taasoo ka dhigaysa mid aad muhiim u ah in la xoojiyo adkaysigooda iyo in la hubiyo inay helaan taageerada iyo agabyada lagama maarmaanka ah.

SoDMA iyo UN Women waxay sii wadi doonaan inay ka shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa Soomaali adkeysi badan leh oo loo dhan yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabi...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Yugaandha

Madaxweynaha dalka Yugaandha Mudane Yoweri Museveni ayaa tababar usoo...