Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhagax dhigay Beerta Ummadda ee Gobolka Banaadir

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa dhagax dhigay Beerta Ummadda ee Gobolka Banaadir, oo qeyb ka ah qorshaha horumarinta Caasimadda Muqdisho.

Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in mashruucaan uu yahay mid loogu tala-galay helitaanka goobo nasiino iyo dalxiis oo bulshada ka wada dhaxeeya, taasi oo ardeyda, dalxiisayaasha iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada fursad u siineysa in ay isugu yimaadaan.

Mashruucaan ayaa laga hirgelinaya Degmada Waaberi gaar ahaan meel aan ka fogeyn Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoona Munaasabadda dhagax dhigga uu goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Waaberi Mudane Maxamed Sayid Cali, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....