Taliska Booliska oo soo saaray awaamiir cusub oo lagu sugayo amniga caasimadda

Date:

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan oo shir jaraaโ€™id ku qabtay Muqdisho ayaa bulshada la wadaagay awaamiir cusub oo lagu sugayo amniga caasimadda oo Taliska Booliska Soomaaliyeed uu soo saaray.

Afhayeenka ayaa sheegay in la farayo Ganacsatada,Shirkadaha aan Dowliga ahayn, Shirkadaha iyo Shaqaalaha ajaanibt in ay qaataan Warqadda dambi laโ€™aanta ee waaxda dambiyada u qaabilsan ee C.I.D.

Waxa uu intaa ku daray hadalkiisa in xogaha la helay ay muujinayaan in Argagixisada lacago ay dhexmarayaan Ganacsatada si looga hortagana loo qaaday tallaabadaan oo dhaqangali doonto

amarkaan ayuu sheegay in uu billaaban doonno 10ka Febaraayo 2025,waxa una sheegay in cidii u hoggaansami weyso awaamiirta ciidanka amniga lala xisaabtami doonno.

โ€œDhammaan shaqaalaha kala duwan ee Ajaanibta ah waa in ay qaataan warqadda dambi laโ€™aanta ee C.I.D. sidaas oo kale waxaa Shirkadaha &Ganacsatada la farayaa in ay qaataan warqaddaas, Warqaddaan waxa ay caddeyn u tahay in Ganacsigaas ama shirkaddaas aanay ku lug lahayn kuna jirin maalgelinta Argagixisadโ€ayuu yiri Afhayeenka Boliiska

Boliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale Hayโ€™adaha caalamiga, kuwa maxaliga ah kaga digay in aysan la macaamili karin shirkad aan wadanin warqada dambi laโ€™aanta.

Gaashaanle Cabdifitax ayaa sheegay in diiwaangelintaan laga doonayo Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay, Ururrada aan Dowliga ahayn, Ururrada aan faaโ€™iido doonka ahayn, Shirkadaha Isgaarsiinta, kuwa dhismaha, Hoteellada, Duullimaadka, Caafimaadka, guryaha kireeya & kuwo kale.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo booqasho ugu tagay Madaxweynaha Galmudug

Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye)...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS IYO WAFDI UU HOGAAMINAYO OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid AUN Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...