Wasiirka Maaliyadda XFS oo soo xiray shirka dib-u-eegista Mashaariicda ee Bangiga Adduunka

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa soo xiray shir labo maalmood socday oo ay ka soo qayb galeen hey’adaha kala duwan ee dowladda iyo madaxda Bangiga Adduunka. Shirkan, oo lagu eegayay habsami u socodka mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunka maalgaliyo, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa mashaariicda dowladda Soomaaliya ka fuliso gudaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi, ayaa shirkan ku tilmaamay mid muhiim ah, isla markaana hoosta ka xariiqday fursado muhiim ah oo laga gaaray mashaariicda kala duwan ee Bangiga Adduunku maalgaliyo. Waxaa uu sidoo kale xusay in dib-u-eegistaasi ay muujisay horumar laga sameeyay fulinta mashaariicdaasi.

Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageerada joogtada ah ee a siiyaan Soomaaliya iyo wadashaqeyntooda buuxda, isagoo xusay in wada-shaqeyntaasi ay muhiim u tahay sii wadida horumarka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...

Madaxweynaha JFS oo kulan wada-tashi ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Gobollada Waqooyi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...