Mas’uuliyiin ka socda EAC oo kormeer ku sameeyay Dekedda Muqdisho

Date:

Wafdi ka socda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), oo ay hoggaamineyso Agaasimaha Furdooyinka Ururkan, Marwa Flavia Busingye, ayaa kormeer ku sameeyay Dekedda Muqdisho. Kulankan soo dhaweynta ah ayaa xarunta Furdooyinka Xamar waxaa loogu sameeyay Agaasimaha Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda XFS, Mudane Abukar Sh. Ahmed Mursal, iyo Maamulaha Furdooyinka Xamar, Mudane Osman Mohamud Adawe, oo ay weheliyaan saraakiisha Furdooyinka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardar-gelinta geedi-socodka Soomaaliya ee EAC, iyo dhammeystirka howlaha muhiimka ah ee dalka uu u baahan yahay si waqtiga loogu qabto bilowga howlaha loo qorsheeyay.

Ugu dambeyntii, masuuliyiinta Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay, waxayna ammaaneen horumarka ka socda Dekedda iyo casriyeenta Furdooyinka, kuwaas oo hadda maraya heer ay la jaanqaadi karaan dalalka caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....