Mas’uuliyiin ka socda EAC oo kormeer ku sameeyay Dekedda Muqdisho

Date:

Wafdi ka socda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), oo ay hoggaamineyso Agaasimaha Furdooyinka Ururkan, Marwa Flavia Busingye, ayaa kormeer ku sameeyay Dekedda Muqdisho. Kulankan soo dhaweynta ah ayaa xarunta Furdooyinka Xamar waxaa loogu sameeyay Agaasimaha Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda XFS, Mudane Abukar Sh. Ahmed Mursal, iyo Maamulaha Furdooyinka Xamar, Mudane Osman Mohamud Adawe, oo ay weheliyaan saraakiisha Furdooyinka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardar-gelinta geedi-socodka Soomaaliya ee EAC, iyo dhammeystirka howlaha muhiimka ah ee dalka uu u baahan yahay si waqtiga loogu qabto bilowga howlaha loo qorsheeyay.

Ugu dambeyntii, masuuliyiinta Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay, waxayna ammaaneen horumarka ka socda Dekedda iyo casriyeenta Furdooyinka, kuwaas oo hadda maraya heer ay la jaanqaadi karaan dalalka caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...