Guddoomiyaha SoDMA oo kulan Casho Sharaf ah loogu sameeyay Dalka Russia

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka,Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qayb-galay kulan casho sharaf iyo sagootin ah oo ay soo qaban-qaabiyeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ilaalinta Madaniga, Xaaladaha Deg-degga ah iyo Arrimaha La Tacaalidda Musiibooyinka ee dowladda Russia, Mudane Kurynin Roman Viktorovich, iyo Guddoomiyaha Gobolka Arkhangelsk, Mudane Alexey Alsufev.

Mudane Maxamuud Macallin, oo kulanka khudbad ka jeediyay, ayaa ka mahadceliyay soo dhawaynta diirran ee loo muujiyay, martigalinta heerkeedu sarreeyo, iyo sagootinta qiimaha leh. Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda wada-shaqeynta labada dal ee ku saabsan howlaha bini’aadannimada, taageerada farsamada iyo maareynta musiibooyinka.

Wasiir Kurynin Roman Viktorovich iyo Guddoomiyaha Alexey Alsufev ayaa muujiyay sida dowladda Russia uga go’an tahay taageerada shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ballan-qaaday inay gacan ka geysan doonaan kaalmada bani’aadannimo, farsamo iyo agab, si loo taageero mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa muhiimka ah ee dalka ka socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...