Wasiirka Waxbarashada XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska 

Date:

Soomaaliya Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u joogo Soomaaliya, Danjire Mike Nithavrianakis iyo wafdi ka socday. Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga waxbarashada ee labada dowladood, iyadoo si gaar ah loo xoogi dayay horumarinta waxbarashada heerarkeeda kala duwan.

Danjire Mike Nithavrianakis, ayaa si gaar ah diiradda u saaray tayaynta iyo sare-u qaadista tacliinta sare, isagoo ka hadlay sidii ay labada dal iska kaashan lahaayeen sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa heerarka ugu sarreeya ee waxbarashada iyo xirfadaha la xiriira. Wasiirka Waxbarashada ayaa ku sheegay kulanka in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay sii xoojiso xiriirka waxbarashada ee la leh Ingiriiska, isla markaana ay ka go’an tahay in la hormariyo tacliinta sare ee dalka si loo daboolo baahida shaqo ee suuqyada.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla gartay in la abuuro barnaamijyo cusub oo loogu talagalay tayeynta manhajyada, tababarka macallimiinta, iyo sidii loo heli lahaa fursado dheeraad ah oo caawiya kor u qaadista tayada waxbarashada ee Soomaaliya. Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sidoo kale soo bandhigay qorsheyaasha mustaqbalka ee Wasaaradda Waxbarashada, isagoo muujiyay inay ka go’an tahay hirgelinta mashaariicda waxbarashada ee muhiimka ah si loo helo mustaqbalka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa ahaa mid muhiim u ah wada-shaqeynta labada dal ee ku aaddan horumarinta iyo tayaynta nidaamka waxbarashada Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay danjirayaasha Talyaaniga iyo Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo guddoomiyey shirka heer wasiir ee ReSCo

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Amniga oo furay kulan looga hadlayo horumarinta booliska

Wasiirka Amniga Gudaha ee dowladda Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Sheekh...

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay...