Guddoomiyaha SoDMA oo Kulamo la yeeshay Masโ€™uuliyiin ka tirsan dowladda Russia

Date:

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo safar shaqo ku jooga dalka Russia, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ilaalada Madaniga, Xaaladaha Deg-degga ah, iyo Arrimaha la Tacaalidda Musiibooyinka ee dowladda Russia, Md. Kurynin Roman Viktorovich.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladaha baniโ€™aadannimo ee ka jira Soomaaliya iyo jawaabta deg-degga ah ee loo baahan yahay si loo yareeyo khataraha ka dhasha musiibooyinka. Waxaa sidoo kale la isla gartay in labada dhinac ay yeeshaan wadashaqayn dhow, si Hayโ€™adda SoDMA looga caawiyo dhisidda kartida iyo aqoonta, iyadoo loo marayo tababarro iyo qalabeyn.

Wasiir Roman Viktorovich ayaa ballan-qaaday in dowladda Russia ay ka shaqeyn doonto in gargaar deg-deg ah loo soo diro Soomaaliya si loo xakameeyo saameynta abaaraha, waxaana Guddoomiyaha SoDMA uu ka mahad-celiyay taageerada muddada dheer ah iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Russia.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...