Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgalay shirka Suuqa Shaqada Caalamiga ah ee Sacuudiga

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan H.E. Yusuf Mohamed Adan, ayaa ka qeybgalay shirka suuqa shaqada ee caalamiga ah (Global Lobor Market Conference), kaasi oo ka dhacaya dalka Boqortooyada Sacuudiga. Shirkan ayaa looga hadlayaa laguna soo bandhigi doonaa xalal cusub oo lagu xalinaayo caqabadaha waaweyn ee ka jira suuqyada shaqada adduunka.

Shirkaan oo socon doono muddo labo maalmood ah waxaa goob joog ka ah 6,000 oo qof, kuwaasoo ka kala yimid in ka badan 100 dal oo ay ku jiraan wasiirro, siyaasiyiin, hoggaamiyeyaasha ururrada caalamiga ah, madaxda ganacsiga, aqoonyahannada, iyo wakiillada shaqada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya,ayaa kusoo bandhigey shirka heerka uu marayo suuqa shaqada ee Soomaaliya, isagoo iftiimiyey caqabadaha jira iyo tallaabooyinka loogu gudbi karo. Wasiirka ayaa sidoo kale la wadaagey madaxda shirka in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay abuurto barnaamijyo shaqo abuur ah oo loogu talagalay dhallinyarada Soomaaliyeed, sidoo kalena lagu wacyigeliyo fursadaha ka jira suuqa shaqada, iyada oo la horumarinayo xirfadaha loogu baahida badan yahay suuqyada shaqada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo guddoomiyey shirka heer wasiir ee ReSCo

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Amniga oo furay kulan looga hadlayo horumarinta booliska

Wasiirka Amniga Gudaha ee dowladda Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Sheekh...

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay...

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee...