Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania 

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, oo ay wehliyaan Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan, iyo ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada (Villa Somalia), Md. Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, ayaa booqday dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Dar-es-Salaam, halkaas oo dayactir xooggan uu ka socdo.

Danjire Ilyaas, oo ah hormuudka dayactirka safaaradda, ayaa Wasiir Fiqi iyo wafdigiisa warbixin dhammaystiran ka siiyey baaxadda dayactirka iyo isbeddelada cusub ee la sameynayo, kuwaas oo ka dhigaya safaaradda meel ku habboon adeegyada ay bixiso. Wasiir Fiqi ayaa muujiyey bogaadintiisa ku aaddan dadaalka geesinimada leh ee uu Safiirka hormuudka ka yahay, isagoo ku tilmaamay arrintan tallaabo muhiim ah oo kor u qaadi doonta muuqaalka iyo maqaamka safaaradda, taasoo sii adkayn doonta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Tanzania.

Wasiir Fiqi wuxuu sidoo kale ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo jaaliyadda ku dhaqan Tanzania in ay ka qayb qaataan dhismaha safaaradda, taas oo ah goob loogu adeegayo muwaadiniinta Soomaaliyeed, loona xoojinayo xiriirka labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...

Dowladda oo casuumaad u dirtay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah casuumaad ugh...

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay agaasimaha Hay’adda maliyadda caalamiga ah (IFC) ee Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Suudaan oo Kawada Hadlay Xoojinta Xiriirka Laba-geesoodka ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka...