Safiirka Soomaaliya ee Masar kula la yeeshay Dhiggiisa Sacuudi Caraabiya

Date:

Safiirka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta, Danjire Cali Cabdi Awaare, ayaa booqasho rasmi ah ugu tagay dhiggiisa, Danjire Cabdicasiis Al-Madar, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya u fadhiya Jaamacadda Carabta.

Kulanka labada Danjire ayaa looga wada hadlay xiriirka labada dal iyo wada-shaqaynta carbeed, iyadoo la isla gartay in si dhow loo xoojiyo iskaashiga iyo wada-tashiga arrimaha carbeed iyo kuwa gobolka.

Danjire Awaare ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudi Caraabiya taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya siiso, gaar ahaan mashaariicda horumarineed iyo maalgashiga ka socda dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa...

Wasiir Xasan Macallin “Maxkamaduhu waxay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan doorashada”

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Shacabka ugu Baaqay Qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah Dowladda Sweden

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...