Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray Magaalada Baydhabo 

Date:

Wafdi ka socda Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, si ay u dardargeliyaan hannaanka doorashada qof iyo codka ah ee la filayo in dalka ka dhacdo.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si diirran ugu soo dhoweeyay wafdigaan garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud, iyagoo muujiyay sida ay ugu diyaar garoobeen taageerida iyo hirgelinta doorashada.

Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed, oo ka mid ah xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa sheegay in ujeedkooda ugu weyn ay tahay in la dardargeliyo howlaha diyaarinta doorashada ee ka bilowda Baydhabo. “Waxaan halkan u soo gaaray sidii aan dib boorka uga jafi laheyn xafiiska Guddiga Doorashooyinka ee Baydhabo, kaasoo muddo aan shaqeyn, iyo in aan guda galno hannaanka doorashada qof iyo codka ah,” ayuu yiri Yuusuf.

Wafdigani waxay sidoo kale booqan doonaan xarumaha doorasho ee qaar ka mid ah degmooyinka Baydhabo iyo guud ahaan gobolka Baay si loo hubiyo in dhammaan diyaar garowga doorashada la dardar geliyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....

Guddoomiyaha SoDMA iyo Safiirka Imaaraadka oo ka wada hadlay xoojinta gargaarka bini’aadantinimo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, mudane Maxamed Cabduqaadir...