Tababar lagu baranayo habka maamulka garsoorka oo laga daahfuray Muqdisho

Date:

-Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Hon. Sulayman Mohamed ayaa ka qeyb galay daahfurka Tababar ku saabsan habka Maamulka Garsoorka oo lagu tababarayo Kaaliyeyaal cusub oo ka howl geli doona heerarka kala duwan ee Garsoorka Dalka.

Tababarkan oo uu soo qaban qaabiyey Machadka tababarka Garsoorka Dalka ayaa mudada uu socdo tababarku waxaa lagu tababari doonaa kaaliyayaasha Hawlaha shaqo ee Garsoorka, heerarka ay Maxkamadaha kala leeyihiin, masuuliyadaha shaqada iyo ilaalinta xogta shaqada, tababarkan ayaa socon doona muddo saddex toddobaad ah.

Kusimaha Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Garsoore Saalax Sheekh Ibraahim ayaa u furay kaaliyaal cusub oo Heer Federaal ah tababarka, isla markaana kula dardaarmay kaaliyayaasha inay ka faa’iidaystaan mudada uu tababarku socdo, masuuliayadna iska saaraan adeegga caddaaladeed ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud,...

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Jarmalka,Mudane Cabdicasiis...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...