Safiirka Safaradda Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Dr. Cabdullahi Maxammed Odowa, ayaa booqasho sharafeed ugu tagay Dhiggiisa dalka Kuwait ee New Delhi, Mudane Meshal Mustafa Jasim Alshemali.
Labada masuul ayaa ugu horreyn iska wareystay xaaladaha guud ee dalalka Soomaaliya iyo Kuwait, intaasi ka dib ayaa waxaa lagawada hadlay xidhiidhka taariikhiga ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo xoojinlaha wada shaqeynta dhaw ee dhexmarta Safaaraddaha New Delhi Soomaaliya iyo Kuwait.
Ugu dambeyn labada Safiir ayaa ku balamay in ay iska kaashadaan, horumarinta danaha lawadaago ee labada dal iyo labada shacbi ee walaalaha.