Wasiirka Qoyska oo Golaha Wasiirrada ugu mahadcelisay Cusboonaysiinta Guddiga NQ

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa uga mahadcelisay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya talaabada ay mudo cusbooneeysiinta ugu sameeyeen Guddiga Maamulka Hay’adda Naafada Qaranka taasi oo ay Golaha Wasiirrada u gudbisay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan uga mahad celinayaa xubnaha Golaha Wasiirrada oo uu ugu horeeyo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre Muddo Cusboonaysiinta ay u sameeyeen Guddiga Maamulka Hay’adda Naafada Qaranka “ ayey tiri Wasiir Amb Khadiira Maxamed Al-Makhzoumi.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn u hambalyeysay xubnaha Hay’adda waxayna tiri “ Ka Wasaarad ahaan waxaa naga go’an inaan si aad ah u hormarinno sidii dadka baahiya gaarka ah qaba ay kaalin ugu yeelan lahaayeen miiska go’aanka looga gaarayo masiirka ummadda Soomaaliyeed iyadoo la xoojinayo, lana gacan siinayo Hay’adda Naafada Qaranka.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Isgaarsiinta oo kulan la qaatay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Qatar

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda JFS, Mudane Ahmed...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Dambiyaynta Gumaysiga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed...

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay Shebeellaha Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa howlgal...