Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Xarunta Keydka Daawada ee Gobolka Banaadir

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Keydka Daawada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose Xamar.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in mashruucaan uu qeyb ka yahay mashaariic dhowr ah oo lagu horumarinaayo adeegyada aas-aasiga ah kuwaasi oo wax tar u leh bulshada, asigoona u mahadceliyay Hey’adda Qatar Charity oo gacan ka geysaneysa fulinta mashruucaan.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Madaxa mashaariicda Hey’adda Qatar Charity Mudane Cabdicasiis Jaasim, Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarrada...

Degmada Gubadley oo u gudubtay wareega labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...

Biyo-dhaamin loo sameeyay qoysaska ay saameysay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka

Hey’adda Xasan Kobac Foundation oo wakiil ka ah Sanatar...

Kulan Looga Hadlay Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Xasilinta oo Lagu Qabtay Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...