Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo bogaadiyay kororka miisaaniyadda ee sanadkii lasoo dhaafay

Date:

Hantidhowraha guud ee JFS Abuukate Axmed Ciise Guutaale ayaa bogaadiyay kororka Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkii lasoo dhaafay.

Waxa una xusay in labadii sano lasoo dhaafay uu xafiiska Hantidhowrka uu door firfircoon ka qaatay kororkaas muuqda islamarkaana ay jirtay isla xisaabtanka iyo dabagalka ay sal u ahaayeen in dakhliga dowladda soo gala si toos ah loogu xareeyo meelaha ku habboon,

Hantidhowraha guud ee JFS Abuukate Axmed Ciise Guutaale,oo ka hadlayay Munaasabadii daahfurka miisaaniyadda ee 2025 ayaa dhiirrageliyay tallaabooyinka cusub ee la qaadayo,isagoo sheegay in adeegyada lagu sameeyay fatashka ama dabagalka laga arki karo natiijada kasoo baxday dabagalkaas, kororka dakhliga iyo howshii ka socotay xafiisyadaas ama hay’adahaas.

“Dakhliga gudaha in uu isbaddelay ma ahayn wax iska dhacay ee waa wax ku yimid dedaal la sameeyay, sidii loo tallaabsaday 2024 ayaa la rabaa in 2025 loosoo kordhiyo”ayuu yiri Abuukaate Axmed Ciise Guutaale, Hantidhowraha guud JFS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadda Ruwaanda oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo dhinacyada waxbarashada

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Jaamacadda Ruwaanda (University of...

TALIYAHA CIIDANKA XDS OO SHIR GUDDOOMIYAY SHIRKA SUBAXLAHA EE TALISKA GUUD EE CIIDANKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Liibiya, Mudane Cabdifataax...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar Casho Sharaf ugu Sameeyay Saxafiyiinta iyo Hobollada Qaranka Waaberi

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe),...