Madaxweynaha JFS oo kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Date:

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga XJFS. Madaxwaynaha ayaa kulammo miro-dhal ah la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Nabad Sugidda si loo dardargeliyo howlgallada lagu ciribtirayo khawaarijta.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale ka dhageystay hoggaanka Ciidamada Qaranka warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sidii loo sii xoojin lahaa, isaga oo ku bogaadiyey daddaallada geesinnimada iyo nafhurinimada leh ee ay muujiyeen Ciidammada Xoogga Dalku.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda oo baaq nabadeed kasoo saartay Dilalka iyo Beegsiga ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa baaq...

Horjooge katirsanaa khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay...