Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo kulan la qaadatay ururrada Bulshada Rayidka

Date:

-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa kulan wadatashi ah la qaatay qeybaha kala duwan ee ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliya.

Kulankan oo isugu jiray isbarasho iyo Wadatashi waxaa Wasiirka ku wehliyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Mudane Maxamed Cismaan Naastaro iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Maxamed Bashiir Cumar iyo xubno kale oo Wasaaradda ka tirsan.

Xubnaha u hadlay ururrada Bulshada Rayidka ah ee kulanka ka hadlay ayaa ugu horeyn ka mahad celiyey marti qaadka loo fidiyey iyo in lala tashanayo waxaana ay soo dhaweeyeen magacaabista Wasiirka cusub ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaga oo ballan qaaday iney Wasaaradda si hagar la’aan ah ula shaqeyn doonaan.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo kulanka khudbad ka jeedisay ayaa xubnaha ka socday Ururrada Bulshada Rayidka ah uga mahad celisay soo dhaweyntooda iyo tallooyinkooda waxaana ay warbixin ka siisay howlaha horyaala Wasaaradda oo ay ugu horeeyaan xoojinta dhowrista Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo in Haweenka lagu dhiiri geliyo islamarkaana lagu gacan siiyo shaqooyinka muhiimka ah ee Dalka oo ay ugu horeeyaan xilalka iyo doorashooyinka qof iyo cod ee la filayo iney dalka ka dhacaan.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulammo wadatashi ah oo Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi la yeelaneyso qeybaha kala duwan ee bulshada ayadoo kulankii kan ka horeeyey la qaadatay Haweenka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Boliiska oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Ciidanka Qaranka oo ka hortegay weerar naf la caari ah oo khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Gumare oo hoos taga Moqokori

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa ka hortegay...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI DIIRRAN LOOGU SOO DHOWEEYEY DALKA MASAR

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...