Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ฐ๐ž๐๐ž๐ง ๐ฎ ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ฒ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š

Date:

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š XFS ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐Œ๐š๐œ๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฑ๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐šb๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐ฐ๐ž๐๐ž๐ง ๐ฎ ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ฒ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐‰๐จ๐š๐œ๐ก๐ข๐ฆ ๐–๐š๐ž๐ซ๐ง.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada Dowladood, gaar ahaan dhinacyada cadaaladda iyo dowlad wanaagga.

Wasiirka ayaa warbixin ka siiyay Safiirka halka uu marayo hanaanka dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka kaas oo qorshuhu yahay in la dhameystiro sanadkan 2025.

Safiirka ayaa ballan qaaday xoojinta taageerada hannaanka dowlad dhiska Soomaaliya asaga oo bogaadiyay shaqada baaxadda leh ee Wasaaradda ka qabatay horumarinta nidaamka cadaaladda iyo arrimaha ku xeeran dhameystirka dastuurka.

Wasiir Xasan Macallin ayaa uga mahadceliyay dowladda Sweden sida ay u garab taagan tahay dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo sheegay in ay dowladda federaalka ka goโ€™an tahay in ay sii waddo wada-shaqeynta caalamiga ah si loo dhiso sharciyad iyo dowladnimo waarta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamartaย 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: โ€” Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hayโ€™adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...