Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar, ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Wasiirka ayaa jaaliyadda siiyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan horumarka dalka iyo xaaladda uu marayo xiriirka wanaagsan ee labada dal ee Soomaaliya iyo Masar.

Jaaliyadda oo ka kooban ardayda wax ka barata jaamacadaha dalka Masar iyo ganacsatada halkaas ku dhaqan ayaa Wasiirka la wadaagay xaaladahooda iyo caqabadaha ay la kulmaan, iyaga oo soo jeediyey talooyin iyo cabashooyin si loo horumariyo taageerada loo fidiyo.

Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya ee dalka Masar, Amb. Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jabuuti ee dalka Masar, Amb. Axmed Cali Barre, Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya, Md. Daahir Maxamuud Geelle iyo diblomaasiyiin ka kala socotay Safaaradaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka...

Ramla Cali oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay kadib guulo ay kasoo hoysay feerka caalamiga ah

Ramla Saciid Axmed Cali, oo ah gabadhii ugu horreysay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalaya shir heer wasiir oo ka socda Dooxa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,...

Dib-u-furista Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha (GMDQS)...