Wasiirka Beeraha XFS oo ka qaybgalay Shir looga hadlayay Istaraatiijiyada Beeraha ee Midowga Afrika

Date:

Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa magaalada Kampala uga qayb galay shir looga hadlayay istaraatiijiyada Beeraha dalalka Midowga Afrika. Shirkan ayaa qeyb ka ah shir-madaxeedka Midowga Afrika oo dhawaan ka dhici doona Kampala, waxaana diiradda lagu saaray istaraatiijiyada dhinaca amniga cunnada ee tobanka sano ee soo socda (2026 – 2035).

Shirka ayaa waxaa Wasiirka iyo wafdigiisa ku wehliyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare, iyo madax kale.Wasiirrada Beeraha ee dalalka Afrika ayaa shirka ka soo jeediyay talo ah in loo qoondeeyo Beeraha iyo tacbashadooda 10% miisaaniyadda dal walba si kor loogu qaado wax soo saarka.

Talooyinka shirkan ka soo baxa ayaa lagu wadaa in loo gudbiyo madaxweynayaasha dalalka Afrika oo toddobaadka soo socda shir ku yeelan doona Kampala.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...