Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo qaabishay Safiirka UK ee Soomaaliya

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta xafiiska ku qaabishay Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Amb Michael Nithavrianakis .

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Amb. Michael Nithavrianakis. Kulankan, oo ay wehelisay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska, Maxamed Bashiir Cumar, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa hawlaha muhiimka ah ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee dalka.

Hawlaha Wasaaradda iyo Iskaashiga Ingiriiska Kulanka ayaa looga wada hadlay hawlaha horyaala Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, iyadoo Danjiraha UK ee Soomaaliya, Amb. Michael Nithavrianakis, uu soo dhaweeyey magacaabista Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi ee Wasaaradda Qoyska. Danjiruhu wuxuu ballan qaaday in dowladda Ingiriiska ay diyaar u tahay in ay la shaqeyso Wasaaradda iyo Xukuumadda Soomaaliya si loo gaaro horumarinta xuquuqda aadanaha iyo xoojinta siyaasadaha bulshada ee dalka.

Dhinaceeda Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa ka mahad celisay taageerrada dowladda Ingiriiska ay siiso Soomaaliya waxaana ay dhanka kale sheegtay in hawlaha Wasaaradda horyaala ay yihiin kuwo qabashadooda ay ka go’an tahay islamarkaana ay diyaar u tahay oo ay soo dhaweyneyso cid walba oo kaalin ku yeelaneysa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad raashin ah gaarsiiyay...

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay shir sanadeedka gu’ga (Spring Meetings) oo ka dhacay Washington

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay Madasha Diblomaasiyadda ee ANTALYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Istanbul kulan...