Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya 

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maanta Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, iyaga oo kawada hadlay arrimo la xariira horumarinta Caasimadda.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee xafiiska Duqa magaalada Muqdisho Mudane Ismaaciil Cali Sheikh Nuur ayaa qodobadii looga hadlay waxaa kamid ahaa dardargalinta wada shaqeynta labada xafiis, horumarinta mashaariicda ay Dowladda Turkiga ugu talagashay in ay uga qeyb qaadato dib udhiska iyo bilicda Caasimadda, Shaqa abuurka dhallinyarada, Tababarada farsamada gacanta, Dib u hagaajinta bulaacadaha biya mareenka ah iyo Dib u cusbooneysiinta heshiisyadii iskaashiga ahaa ee horey u jiray.

Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş,ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir mas’uuliyada culus ee loo igmaday isaga oo intaa kadib balan qaaday in lasii horumarin doono wada shaqeynta labada dhinac iyo howlaha lagu taageerayo horumarinta Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda sida ay marwalba u garab taagan yihiin ummada Soomaaliyeed iyo dowladnimadooda islamarkaana ay uga qeyb qaataan taageeradooda la xariira mashaariicda horumarineed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay dagaalka ka dhanka...

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS...

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta...