Wasiirka Arrimaha gudaha FS oo xilalka u kala wareejiyey Guddoomiyihii hore HQB Iyo midka cusub 

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta, Mudane Ali Yusuf Ali – Xoosh, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyey Mudane Axmed Xuseen Cilmi oo loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Hey’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha.

Xafladda xil wareejinta ayaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyihii hore ee Hey’adda, Marwo Safiya Xasan Maxamed, oo loo mahadceliyey shaqooyinka iyo howlihii muhiimka ahaa ee ay qabatay intii ay xilka haysay.

Mudane Ali Xoosh ayaa si kooban uga hadlay muhiimadda shaqada hey’adda ee qaxootiga iyo barakacayaasha, isagoo ku dardaarmay Guddoomiye Axmed Xuseen Cilmi in uu dardargeliyo shaqada hey’adda oo ah mid muhiim u ah qaranka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa sidoo kale ku ammaanay Marwo Safiya Xasan Maxamed howlihii iyo dedaalada ay soo qabatay intii ay haysay xilka, isagoo tilmaamay in ay kaalin weyn ka qaadatay daryeelka qaxootiga iyo barakacayaasha ee Soomaaliya.

“Waxaan ku dhiirrigelinayaa Guddoomiye Axmed Xuseen Cilmi in uu sii wado shaqada muhiimka ah ee hey’addani qabato, isla markaana uu ka shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha dalka, si loo xaqiijiyo nabadgelyo iyo daryeel wanaagsan,” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Xafladda xil wareejinta ee maanta ayaa muujineysa isbedelada muhiimka ah ee ka socda maamulka Hey’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha, iyadoo la rajeynayo in Guddoomiye Axmed Xuseen Cilmi uu sii wadi doono dadaallada lagu daryeelayo dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya iyo qaxootiga ku sugan dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay dardargelinta hawlaha qabanqaabada Xuska Maalmaha Xorriyadda ayaa lagu qabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, ahna Wasiirka...

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...