Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo Kormeer shaqo ku yimid Wasaaradda Warfaafinta

Date:

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer ku yimid xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo uu ku soo dhoweeyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac.

Mudane Saalax Jaamac ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee waaxyaha Wasaaradda, gaar ahaan Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Idaacadda Radio Muqdisho iyo Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Mudane Daa’uud Aweys, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka warbixin ka siiyay shaqada socota ee Warbaahinta Qaranku ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u heyso.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo Warbaahinta Qaranka la hadlay markii uu soo gabagabeeyey kormeerkii uu maanta ku yimid Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa Madaxda Wasaaradda oo Wasiirka iyo Wasiir kuxigeenka ay ugu horeeyaan iyo dhammaan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ku amaanay ugana mahadceliyay shaqada baaxadda leh ee ay Qaranka u hayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka...

Ramla Cali oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay kadib guulo ay kasoo hoysay feerka caalamiga ah

Ramla Saciid Axmed Cali, oo ah gabadhii ugu horreysay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalaya shir heer wasiir oo ka socda Dooxa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,...

Dib-u-furista Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha (GMDQS)...