Aas Qaran oo maanta loo sameeyay Askartii dhawaan lagu dilay Ceelbaraf 

Date:

Waxaa maanta Salaadda Janaasada (AUN) lagu dukaday Askartii ku lagu dilay degmada Ceelbaraf, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Saraakiil milateri, ayaa ka qeyb galay salaadda janaasada, taasoo lagu tukaday Askartii dhawaan lagu dilay Ceelbaraf.

Waxaa sidoo kale ka qeybgalay aaska oo sameeyay Askartaas,Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ,Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ,masuuliyiin kale iyo duubabka dhaqanka, ayaa magaalada Beledweyne uga qeyb galay salaadda janaasada AUN askartii dhawaan lagu dilay degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Askartaan ayaa dhawaan iyaga oo maraya degaan hoostaga degmada Ceelbaraf waxaa jidka u galay kooxa mannaxayaal ah oo dad qalato ah, kuwaas oo halkaa ku dilay,waxana Maxkamadda Ciidanka ay u jartay waaran soo qabasha ah dadkii ka dambeeyay dilkaa foosha xun  si sharciga loo horgeeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...