Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo daah furay hay’ad ka shaqayso hormarinta ganacsiyada yaryar

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa Magaalada Muqdisho uga qayb galay munaasabad loogu talagalay daah-furka hay’adda Bulsho (SACCO) oo ka shaqeysa horumarinta ganacsiyada yaryar.

Kulanka daahfurka munaasabaddaasi oo ay ka soo qeybgaleen qaar kamid ah dadka xirfad ahaan kku shaqeysta ganacsiyada yaryar,waxaa halkaasi la isku dhaafsaday kaalinta dhaqdhaqaaqyadaasi ganacsi ay ku leeyihiin horumarinya adeegyada ay u baahan yihiin bulshada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu soo dhoweeyay dadaalka ku aaddan in dalka laga dhaqangaliyay ganacsiyo yaryar oo ka qeybqaadan kara dhiiragalinta dadka iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac waxa uu ugu dambeyntii u hambalyeeyay dadka xilka iska saaray sameynta ganacsiyo yaryar,isagoo intaa raaciyay in loo baahan yahay in lagu dhaqaaqo hal abuurka ganacsiyada yaryar ee lagaga kaftomi karo waxyaabaha laga keeno dibadaha ee ay ku baxan lacaha badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...