Duqa Muqdisho oo kulan talawadaag ah la qaatay qaar kamid ah haweeynka Soomaaliyeed

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa caawa kulan talawadaag ah la qaatay qaar kamid ah haweeynka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda, si uu uga dhageesto talooyinkooda ku aadan horumarinta Magaalada.

Kulankan oo ka dhacay aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa guddoomiye Amiir waxa uu mid mid u dhageystay haweenkii uu kulanka la qaatay iyaga oo ka hadlay dardargalina horumarinta Caasimadda gaar ahaan Sugida Amniga, Nadaafada, Caafimaadka, Waxbarashada, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, Shaqa abuurka, Doorka haweenka ee qeybgalka hogaanka, Hirgalinta Doorashooyinka, la dagaalanka Maandooriyaha iyo ilaalinta bilicda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed ay tiir adag u yihiin dowladnimada, Nabada iyo horumarinta bulshada, isaga oo intaa kadib sheegay in talooyinka ay soo jeediyeen haweenka uu ku biirin doono qorshaha siyaasadiisa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...