Duqa Muqdisho oo kulan la yeeshay Ciidanka ilaalinta Deegaanka ee Xamar 

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir,ayaa guddoomiyay kulan loogu hadlaayay dar-dargelinta howlaha shaqo ee Ciidanka ilaalinta Deegaanka Xamar iyo sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen qorshaha bilicda Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar Janaraal Maxamed Carabow Cali ayaa ka warbixiyay shaqooyinka ciidanka Ilaalinta Deegaanka, isbadalka dhinaca tayada ee lagu sameeyay iyo caqabadaha jira, asigoona xusay in ay diyaar u yihiin gudashada waajibaadka loo igmaday.

Guddoomiye Amiir ayaa xusay ka go’naashiyahiisa ku aadan tayeynta iyo dhismaha ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar, asigoona faray saraakiisha ciidanka in ay dardargaliyaan ilaalinta Nadaafada iyo bilicda Caasimadda, kor u qaadista Dakhliga iyo in loo turo oo si dabacsan loola dhaqmo bulshada Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u...

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa...

Wasiir Xasan Macallin “Maxkamaduhu waxay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan doorashada”

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka...