Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga

Date:

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku aaddan magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed, kaas noqon doona Mudane Axmed Xuseen Cilmi.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada, ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee ah in Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim, ay xubin ka noqoto Guddiga Sare ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mundane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira, qiimeynta wax-qabadka Wasaaradaha Dowladda— sharciga nidaamka Xukuumadda iyo abaabulka iyo wacyigelinta bulshada ee ku aaddan doorashooyinka qof iyo codka ah ee la doonayo in dalkeenna laga hirgaliyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...