Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la yeeshay Haweenka Ololaha Hooyo u hiilli Qaranka

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa kula yeeshay Haweenka Ololaha Hooyo u hiilli Qaranka kulan looga hadlay kaalinta ay ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta iyo wacyigelinta bulshada ee hirgelinta doorasho qof iyo cod oo laga bilaabi doono gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku bogaadiyey Haweenka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaateen difaaca dalka, sugidda amniga-garab istaagga ciidamadda qalabka sida, xallinta khilaafaadka, horumarka dalka iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

“Haweenka Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinayaa doorka ay ka qaateen dagaalka Khawaarijta dalka looga sifeynayo, aniga oo u qiraya kaalinta ay ku leeyihiin dhiirrigelinta ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, taas oo ah mid muuqata oo muhiim u ah dib-u xoreynta dalkeenna”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey haweenkii uu la kulmay.

Mudane Xamsa, ayaa xusay in haweenka Soomaaliyeed laga doonayo waqtigan in si wadajir ah loo hirgeliyo hiigsiga Qarankeenna, si aynu uga dhabayno Soomaaliya nabad ah, xasilloon, oo horumar waara gaarta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...