Wasiirka shaqada XFS oo Shirka Wadatashi ah kusoo gabagabeeyay Baydhabo 

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa maanta si rasmi ah ugu soo xiray magaalada Baydhabo shir wadatashi ahaa oo u dhaxeeyay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha shaqada dowlad-goboleedyada dalka,  kaasoo diiradda lagu saaray mashaariicda daryeelka bulshada. Shirku wuxuu socday muddo labo maalmood ah.

Intii uu shirka socday, waxa laga wada xaajooday xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa wasaaradaha shaqada ee heer dowlad-goboleed iyo heer federaal. Waxa kale oo laga hadlay dejinta qorshe howleedka sanadka 2025, dardargelinta adeegyada daryeelka bulshada, iyo sidii loo taaba-gelin lahaa hannaanka casriyeynta dowladnimada iyadoo la waafajinayo Qorshaha Isbedelka Qaranka.

Wasiir Yuusuf Maxamed Aadan ayaa bogaadiyay muhiimadda uu leeyahay iskaashi wanaagsan oo dhexmara dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka si loo xaqiijiyo adeegyo waxtar leh oo bulshada ka faa’iida. Waxa uu hoosta ka xarriiqay in qorshaha sanadka 2025 uu yahay midka lagu dardargelinayo dadaallada lagu horumarinayo daryeelka bulshada iyo dowlad-wanaagga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasaaradda gaashaandhigga oo qalab kala wareegtay xafiiksa UNOPS

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...