Taliyaha CBS oo xafiiskiisa ku qaabbilay Saraakiil soo qaatay heerka labaad ee Waxbarashada 

Date:

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Saraakiil kasoo qalin jabiyey waxbarashada heerka labaad (Master Degree) oo dalka Dibadiisa ku maqnaa.

Hogaanka Qorshaha iyo Tababarada ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn Taliyaha Warbixin ka siiyey soo laabashada Saraakiishan, waxaana ay xaqiijiyeen xafiis ahaan in si wanagsan uga faa’iideysteen fursadda waxbarasho ee dalka dibadiisa ugu maqnaayeen mudada dheer.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Saraakiisha soo dhameysatay Waxbarashada Hambalyo iyo Bogaadin la wadaagay , waxaana uu qiray in soo laabashadoodu ku soo aaday xilli loo baahnaa qeybna ka noqonayaan qorshaha horumarinta Ciidanka Booliiska si looga faa’ideysto aqoonta ay soo barteen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda oo baaq nabadeed kasoo saartay Dilalka iyo Beegsiga ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa baaq...

Horjooge katirsanaa khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay...