Duqa Muqdisho oo shir guddoomiyay kulan looga hadlaayo horumarinta Caasimadda

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah oo la xariira horumarinta dib u dhiska Caasimadda iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Gudoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa goob joog ka ahaa kulankan, waxaana inta uu socday diirada lagu saaray dardargalinta mashaariic lagu horumarinayo magaalada, gaar ahaan Dhismaha waddooyinka, Xal u helida maareynta biyaha roobka iyo Dib u dhiska xarumaha danta guud.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kula dardaarmay madaxda iyo howl wadeenada waaxda howlaha guud in si daacadnimo iyo Alla ka cabsi ku jirta ay uga u gutaan waajibaadkii loo igmaday islamarkaana uu jiri doono islaxisaabtan iyo dabagal la xariira howlaha socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeer ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Howlgal lagu dilay xubno katitsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo...

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya Cabdiwali Timacadda, ayaa...

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr...