Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka Dib u eegista Howlaha u qabsoomay hay’adda sanadkaan 2024

Date:

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa daahfuray kulanka Dib u eegista Howlaha SoDMA u qabsoomay sanadkaan sii idlaanaya ee 2024 iyo qorshaha sanadka soo aaddan ee 2025, (SoDMA Internal Review & Retreat Exercise), kaas oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo ah mid isla-xisaabtan iyo is-qiimeyn, ayuu Guddoomiyaha Hay’adda Maxamuud Macallin si weyn ugu boorriyay howl-wadeennada shaqada adag iyo juhdiga xooggan ee ay bixiyeen sanadkaan dhammaadka ah, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii laba jibbaaro dadaalka loogu adeegayo dadkeenna nugul.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb-galaya Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr. Axmed Cabdi Aadan, Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Agaasimayaasha Guud, Agaasimayaasha Waaxaha, La-taliyayaasha iyo howl-wadeenno laf-dhabar u ah howlaha shaqo ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay kulan looga hadlayay dardargelinta Mashruuca Sabuun ee Jowhar

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiayay kulanka aan caadiga ahayn ee guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan...

SoDMA oo raashiin ka qaybisay qaybo ka mid ah degmooyinka Hirshabeelle

Wajiga koowaad ee mashruuc cunno qeybin ah oo socon...