Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka degmada Garbahaarey ee Gobolka Gado

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka, dhallinyarada iyo ururrada haweenka degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ,waxaana kulamadaas diiradda lagu saaray sidii bulshada rayidka ah ay uga qeyb qaadan lahayd hirgelinta iyo taageeridda doorashada qof iyo codka ah oo dowladda Soomaaliya ay dalka ka qabaneyso.

Intii uu kulanku socday, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa soo bandhigay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan doorkooda ku aadan xaqiijinta doorasho cadaalad ah oo lagu wada qanacsan yahay, bulshada ayaa cadeysay muhiimadda ay leedahay wacyigelinta dadweynaha iyo iskaashiga si loo helo nidaam dimuquraadi ah oo si hufan u shaqeynaya.

Wasiir Fartaag oo kulanka ka hadlay ayaa ku dhiirrigeliyay bulshada in ay door firfircoon ka qaataan geedi socodka dimuquraadiyadda, isagoo xusay in doorashada qof iyo codka ah ay tahay dariiq muhiim ah oo lagu gaarayo cadaalad iyo horumar siyaasadeed oo waara.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay ku dadaalayso in ay abuurto jawi ku habboon doorashooyinka, si loo xaqiijiyo in codka shacabka uu si buuxda uga dhex muuqdo hoggaanka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...