Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabbilay Wasiirka arrimaha Dibadda dalka Tanzania 

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay, Wasiirka Arrimaha Dibidda Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, Mudane Mohamud Thabit Kombo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka.

Madaxweynaha ayaa Wasiirka ka guddoomay dhambaal iyo salaan uu ka siday, Madaxweynaha dalka Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, isaga oo wafdiga la wadaagay ahmiyadda ay Soomaaliya u leedahay xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dowladood, gaar ahaan heshiisyadii dhowrka ahaa ee ay labada dal maanta ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho.

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdiga dowladda Tanzania, waxaa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjiraha Soomaaliya ee dalka Tanzania iyo mas’uuliyiin sare oo ka socday labada dhinac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Soomaaliya oo u Diyaargarowday Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Soomaaliya waxa ay si weyn ugu diyaargarowday xuska Maalinta...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS),...

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada...