Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka oo heshiis la saxiixday dhiggiisa dalka Tanzania 

Date:

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminaayo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Tanzania ee TISS, Mudane Suleiman Abubakar Mombo, oo booqasho labo maalin ah shalay kusoo gaaray Muqdisho.

Intii ay socotay booqashadan ayay labada dhinac si weyn uga wada hadleen dadaallada wadajirka ah ee looga hortagi karo khataraha ururrada argagixisada iyo xoojinta is-dhaafsiga xoggaha muhiimka ah ee amniga.

Madaxda hay’adaha Sirdoonka, ee Soomaaliya yo Tanzania, oo adkeeyay muhiimadda iskaashigan, ayaa kala saxiixday heshiis is af-garad ah oo lagu dar-dargelinayo doorka labada hay’ad ee dagaalka ka dhanka ah halista Argagixisada.

Iskaashigan, ayaa noqonaya tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xasiloonida iyo ammaanka gobolka, iyada oo labada dhinac ay wadaagaan ujeeddada guud ee ka hortagga Argagixisada Bariga Afrika.                     

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Soomaaliya oo u Diyaargarowday Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Soomaaliya waxa ay si weyn ugu diyaargarowday xuska Maalinta...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS),...

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada...